Jabuuti (Wararka Maanta) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kadib markii uu xalay gaaray waddankaasi.
Labada madaxweyne ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha ka taagan gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Geelle kala hadlay qorshaha bixista ciidamada ATMIS, maadaama haatan la diyaarinayo howlgal cusub oo ka bilaabanayo Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkaan ku soo maray dalalka Uganda iyo Burundi oo sida Jabuuti ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya, wuxuuna lasoo galay heshiisyo culus oo qaarkood warbaahinta lala wadaagay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kampala Uganda iyo Bujumbura Burundi ku tegay casuumaad uu ka helay madaxweynayaasha dalalkaas, waxaana kulamadii dhacay looga hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya, gaar ahaan jiheynta ciidamada bedelaya ATMIS.
Labada dalba waxay Soomaaliya ka codsadeen inay u ogolaato inay ciidamadoodu ka sii howlgalaan Soomaaliya, maadaama dhamaadka sanadkaan la bedelayo howlgalka ATMIS.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku jirta xulashada dalalka ay ciidamadu ka sii joogayaan dalka, waxaana qorshaha ku jirta in dhamaadka sanadkaan ay gabi ahaanba dalka ka baxaan ciidamada Itoobiya, maadaama labada dal ay qarka u saaran yihiin inay dagaalamaan.