Madaxweyne Lafta gareen oo maanta shir albaabada uxirnaa kula yeeshay Baydhabo…





Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan looga hadlayey sidii Gar-gaar loo gaarsiin lahaa Dadka ay Abaartu samaysay la qaatay Culimada iyo Ganacsatada Magaalada Baydhabo.

Waxay culimadu sheegeen in ay diyaar u yihiin wacyi gelinta bulshada si ay wax usadaqeystaan gurmadna loo gaarsiiyo dadka ay abaartu hala keysay.

Shirkaasi marka uu soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay mid ka mid ah culimada kulanka ka qeyb galay isagoo ka warbixiyey waxyaabaha kulankaasi laga soo saaray.

Madaxweyne Lafta gareen ayaa kulamo gaar gaar ah la yeelanayey muddooyinkii lasoo dhaafay qeybaha kala duwan ee Bulshada si ay uga doorkooda gurmadka uga mid noqdaan lagu caawinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen.




Source link