Home Xogta Dahsoon Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Bomba (Daawo Sawirro)

Madaxweyne Guudlaawe oo Muqdisho kula kulmay Mohamed Bomba (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Ali Gudlawe Hussein ayaa maanta hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Madaxa Xafiiska Ururka Iskaashiga Islaamka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Ambassador Mohamed Bomba Mohamed ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle iyo sidii Ururka Iskaashiga Islaamka uu u sii dardar gelin lahaa howlaha uu haatan ka wado dalka gaar ahaan shaqooyinka uu ka hayo Hirshabeelle.

Sidoo kale kulankaan ayaa looga hadlay fulinta mashaariicyo muhiim u ah bulshada oo isugu jira qodista Ceelal biyoodyo, hirgalinta Iskuulo waxbarasho iyo sidii kaalin ay uga qaadan lahaayeen xal u helida fatahaadaha wabiga Shabeelle ee kusoo noq noqday deegaanada Hirshabeelle.

Source link