Home Warka Maanta Madaxweyne Farmaajo oo ergo madaxweynayaal ah u diray Deni iyo Madoobe.

Madaxweyne Farmaajo oo ergo madaxweynayaal ah u diray Deni iyo Madoobe.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ergo madaxweynayaal ah u diray Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland si  loogu soo qanciyo in ay ka soo qayb-galaan shirka Golaha Wadatashiga.

Madaxwaynayaasha ergada ah ayaa waxay kala yihiin madaxwaynaha Galmudug, madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo madaxwaynaha Hirshabeele.

Maanta ayaa la filayay in ay shir yeeshaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Beesha Caalamka, balse shirkaas ayaa baaqday,waxaana wali taagan khilafkii u dhexeyay Dowladda dhexe iyo Madaxweynayasha Jubbaland iyo Puntland.



Source link