Home Warka Maanta Madaxweyne Deni iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Kismaayo (Sawirro)

Madaxweyne Deni iyo wafdi uu horkacayo oo lagu soo dhoweeyey Kismaayo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi  Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Kismaayo.

Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka dayuuradaha Kismaayo ku soo dhoweeyey madax ka tirsan Jubbaland oo uu horkacayey Madaxweyne Axmed Madoobe.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa ka ambabaxay maanta Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kaga qeyb galeen shirkii Golaha wadatashiga oo laga soo saaray Jadwalka doorashada.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa magaalada Kismaayo kulamo kula qaadan doona madaxweynaha Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Source link