Home Xogta Dahsoon Madaxweynahii Afghanistan Ashraf Ghani oo la shaaciyay halka uu ku sugan yahay

Madaxweynahii Afghanistan Ashraf Ghani oo la shaaciyay halka uu ku sugan yahay

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa magangalyo ka helay Imaaraadka Carabta, sida ay baahiyeen dalkan khaliijku.

Mr Ghani ayaa ka tagay Afgaanistaan iyadoo Taliban ay ku sii siqday magaalada caasimadda ah ee Kabul dhammaadkii toddobaadkan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa sheegtay in dalku soo dhoweeyay Mr Ghani iyo qoyskiisa sababo bani’aadanimo.

Khudbad fiidiyoow ah oo uu Arbacadii xilli danbe soo duubay, Mr Ghani ayaa beeniyay inuu baxsaday wuxuuna sheegay inuu u baxay si uu uga hortago waxa uu ku tilmaamay “musiibo weyn”.

“Hadda, waxaan joogaa Imaaraat-ka si loo joojiyo dhiigga daadanaya iyo fowdada,” ayuu yidhi. “Waxaan hadda ku jiraa wadahadallo aan dib ugu laabanayo Afgaanistaan.”

Mr Ghani ayaa sidoo kale sheegay in wararka la isla dhexmarayo ee ah inuu u safray Imaaraadka isagoo wata lacag aad u badan ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn iyo been.

72-jirkan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta kale ee Afganistan taas oo ku aaddan inuu dalka ka baxay.

“Illaahay ayaa la xisaabtami doona qarankuna sidoo kale wuu xukumi doontaa,” ayuu yidhi Abdullah Abdullah, oo ah guddoomiyaha Golaha Sare ee Dib -u -heshiisiinta Qaranka Afghanistan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sidoo kale dhaleeceeyay xukuumadda Afgaanistaan baxsigoodii, khudbad uu jeediyay Isniintii.

Goor dambe oo Arbacadii ah, Kuxigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Wendy Sherman ayaa weriyayaasha u sheegtay in Mr Ghani “uusan hadda xubin muhiima ka ahayn Afghanistan”.

Si kastaba ha noqotee, Mareykanku wuxuu sii waday inuu ku tilmaamo “Madaxweyne Ghani”, iyadoo Waaxda Arrimaha Dibadda ay sheegtay inaysan jirin xil wareejin rasmi ah.

muuqaalka laga soo duubay, oo si toos ah loogu baahiyay Facebook -ga, Mr Ghani wuxuu sheegay in kooxdiisii amniga ay ka soo daadgureeyeen qasriga madaxtooyada “xaalad aanan xitaa kabahayga xiran karin”.

“Dhacdooyinku waxay u dhaceen si xawli ah. Waxaan doonayay inaan wadahadal la galo oo samayno dowlad loo dhan yahay oo lala yeesho Daalibaan,” ayuu yidhi, isagoo intaas ku daray inuu taageersan yahay wadahadallada u dhexeeya Taliban iyo saraakiishii hore ee maamulkiisa.

Maaha markii ugu horraysay ee ay UAE ay si buuxda u siiso hoggaamiyayaal iyo madax baxsad ah oo ka yimid dalal kale. Raiiselwasaarihii Pakistan Benazir Bhutto ayaa Dubai ka dhigatay hoygeeda cusub sanadihii sagaashameeyadii ka hor inta aysan dib ugu soo noqon xukunka.

Mr Ghani ayaa ah xukunka yimi sanadkii 2014 waxaana markale dib loo doortay Febraayo 2020.

Isagoo la hadlaya BBC -da horaantii sannadkan, wuxuu meesha ka saaray cabsida laga qabo guul militari oo Taliban ah. “Tani ma aha Vietnam. Dawladdu ma burburiayso,” ayuu yidhi.

Muqdisho-Somalia

 

Source link