Home Warka Maanta Madaxweynaha Galmudug oo si kulul loogu jawaabay kadib markii uu sheegay in...

Madaxweynaha Galmudug oo si kulul loogu jawaabay kadib markii uu sheegay in Al shabaab…

Madaxweynaha Galmudug Axmad Qoor Qoor ayaa falcelin kulul ka helay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Karkaar Cabdilaahi Maxamed Barre Cato oo ka jawaabay hadal uu jeediyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor kaas oo ahaa in Ciidamada Galmudug ay Shabaab ka horjoogaan Maamuladda Qaarkood oo uu ula jeeday Puntland.

Gudoomiye Caato ayaa yiri ” Hadalkaasi waa Hadal wedkiis galay, waxaa uga wanaagsanayd inuu yiraahdo Alshabaab annaga iyo Maamullada Deriska ah isku si bay noola dagaalamayaan balse hal libaax arkaysaa ma Godlato Farmaajo iyo kooxdiisa villa Somalia ayaa hadalkiisa qoraya, Cadowga degmooyinka waaweyn kaa haysta ka sifee Galmudug, Puntland horay baad Al-Shabaab hubaysan  ugu deysey hadday canaad kaa ahayd iyo Haddii tabari kuu runsheegteyba”

Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa kusoo xiray ” Hadda iyo dan, Bulshada Galmudug iyo  Puntland  Derisnimada iyo Dan-wadaagta isma huraanka ah xaq dhowr oo mustaqbalkoda tixgeli”

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shalay sheegay in ay maamullo kale difaac u yihiin oo ka hortaagan yihiin Al-shabaab.

Qoorqoor oo  hadal u jeedinayay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugan degaanka Sinadhaqo oo hoostaga degmada Ceelbuur ayaa yiri “anagu degaano iyo maamullo kale ayaan difaac u nahay oo ka hortaaganahay argagixisada oo aan hubno in ay dhagartooda dhakhso ku gaarsiin la haayeen”

“Cidna wax gaara ugama rabno waa dad iyo degaan Soomaaliyeed oo in aan difaacno xaq noogu leh” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa hadalkan yiri, iyadoo degaano badan oo ka tirsan maamulka Galmudug ay ka taliyaan Al-shabaab.

 

Source link