Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug, halkaas oo lagu wado in uu kulamo kula qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Madaxda Maamulka Magaalada Dhuusamareeb, Siyaasiyiin iyo xubno kale ayaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
Madaale ayaa maalmahan ku sugnaa furumaha dagaalka gobalka Shabeelada Dhexe halkaa oo uu u joogay dhiirogelinta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka.
Waxaa dhanka kale socda qorshe ka dhan ah madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo la sheegay inuusan si heer sare ah dadka deegaanka iyo ciidanka ugu hogaaminin dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Waxyaabaha kale ee lagu heysto Guudlaawe waxaa kamid ah inuusan wax horumar ah ku sameynin deegaanada Hirshabelle islamarkaana uu maamulkiisa fadhiid yahay.
Cali Guudlaawe ayey u muuqataa ineysan u socon doonin halka sano ee dheeraadka ah ee uu ku darsaday islamarkaana inta badan ay sameeyeen maamul Goboleedyada taa oo Villa Somalia xiligan ay aad uga mashquushay.
Waxaa dhanka kale jirta in madaxda maamul Goboleedyada oo dhan iney ku furan yihiin xiisado doorasho iyo mucaarado xoog leh.
Muqdisho-Somalia