Home Xogta Dahsoon Maamulka Bangiga dhexe oo soo saaray digniin ku socota Xawaaladaha iyo Bangiyada

Maamulka Bangiga dhexe oo soo saaray digniin ku socota Xawaaladaha iyo Bangiyada




Muqdisho (Allbanaadir Media) – Maamulka bangiga dhexe oo war qoraal soo saaray ayaa digniin culus u diray Xawaaladaha iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla dalka, wuxuuna faray inay socod-siiyaan isticmaalka lacagta 50-ka Dollerka Mareykanka.

Bangiga Dhexe ayaa shaaca ka qaaday inuu sameeyey baaritaan dheer, islamarkaana ay ku godaadeen in aysan jirin lacag been abuur ah oo dalka lasoo geliyey.

Sidoo kale bangiga ayaa ku amray ganacsatada Soomaaliyeed inay qaataan lacagta 50-ka Doller oo beryihii dambe laga diidayey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maamulka Bangiga ayaa sidoo kale ku booriyey Xawaaladaha, Bangiyada iyo Ganacsatada inay taxadar muujiyaan, kana feejignaadaan lacagaha been abuurka ah.

Go’aankan ayaa kusoo aadaya, kadib kulan uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya shalay la qaatay maamulka Bangiga Dhexe ee dalka, kaas oo looga hadlay arrimaha maaliyadda.

 

 

 







Source link