Maalqabeennada Itoobiya oo loogu baaqay in ay maalgashi ku sameestaan Somaliland

Posted on

Wasiirka Maalgashiga iyo Wershadaha maamulka  Somaliland, Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed, ayaa ugu baaqay maalqabeennada kasoo jeeda dalka Itoobiya in ay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.

Wasiirka ayaa wareysi uu  siiyay Wargeyska Ethiopian Herald ku sheegay in loo baahan yahay in sare loo qaado iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga ee u dhaxeeya maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay wasiirka in  heshiiska isfaham ee u dhexeeya maamulka Somaliland iyo Itoobiya uu labada dhinac u furi doono fursado badan oo lagu xoojinayo cilaaqaadka dhaqaale ee labada dal .

Wasiir Cabdirisaaq Ibraahim wuxuu ugu baaqay ganacsatada Itoobiya inay maalgashan karaan sibirka, isaga oo xusay in dekeddii laga dhoofinayeyna ay ku taallo Somaliland ayna u fududaaneyso ganacsatada in si fudud ku dhoofsadaan sibirka.

Waxa uu intaa ku daray wasiirka Maalgashiga Somaliland in la maalgashan karo kalluumaysiga iyo beeraha, waxaanu caddeeyay inay xukuumadda Somaliland u fududeysay nidaamka maalgashiga maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Wasiirka ayaana sheegay in hadda jiraan ganacsato yar yar oo ka shaqeesta gudaha Somaliland, waxa uuna rejo ka muujiyay in shirkadaha waa weyn ee ka jira dalka Itoobiya ay maalgashi ku sameestaan kana shaqeestaan Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link