Ma Farmaajo ayaa mas’uul ka ah boobka doorashada mise Golaha Wadatashiga?+Daawo

Doorashadii xildhibaanada laba Aqal ee Baarlamaankii 10-aad, fadeexooyin waaweyn ayaa laga diiwaan geliyey, sanadkii 2016-kii.

Waxaa mar hore doorashadaas loo tix-gelin jiray middii ugu musuqa, boobka iyo fadeexadda badneyd doorashooyinkii soo maray dalka burburkii kadib. Balse waxa dhacaya waqtigaan la joogo ayaa doorashadii 2016-kii cudur daar ugu filan

Sanadkii dhammaaday ee 2021-kii iyo bilowga sanadkaan fadeexooyinka doorashada Soomaaliya waa kuwa taariikhda geli doona.

Ergo doorashaneysa kursi aysan beeshooda laheyn, musharax loo sheegayo inuu tartanka ka haro oo kursigii qof kale la siiyey, malxiisyo iskuwada ceyn ah, madax kuraasta ku bixineysa xidid, dadkii kuraasta laga dhacay oo aysan cabashadooda qiimo ku fadhin iyo laaluushka aan lala xishooneyn ayaa hareeyey doorashada hadda socota.

Sida iska cad doorashadaan ayaa ka ceyb, fedeexad iyo musuq badan midii 2016-dii, balse waxaa kala duwan cidda qaadaneysa eedaha ka dhalanaya doorashadaan hadda socota iyo ciddii qaadatay eedihii ka dhashay doorashadii hore ee 2016-kii.

Golihii Qaran ee maamulayey doorashadii 2016-kii waxaa hormuud u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, mas’uuliyad badan ayuu iska saaray inuu geedigu dhaqan galo, mudo 6 bilood ka yar ayey ku qaadatay doorashadaas, marka la eego maalintii uu ku ekaa muddo xileedkiisa.

Wanaag iyo eed badan ayey laheyd doorashadaas, wixii wanaag ah oo doorashadaas 2016-kii ay laheyd waxaa la siiyaa Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena wax walba oo tacadi iyo ceeb ah oo doorashadaas ka dhacay, iyadana waxaa dusha loo saaraa Xasan Sheekh.

Hadda, waa muddo dhammaadka madaxweyne Farmaajo, xilli doorasho ayaa lagu jiraa, waxay aheyd inuu hor kaco doorashada, balse waxaa hoggaamintiisii doorashada ka dhashay khilaaf iyo gacan ka hadal.

Mucaaradka iyo maamul goboleedyada qaar ayaa diiday inuu Farmaajo hoggaamiyo doorashada, wuxuuna ugu dambeyn aqbalay inuu doorashada iyo maamulkeedaba faraha kala baxo.

Hadda waxaa socda wax fool xun oo aan la hubin inay dhici lahaayeen iyo in kale haddii uu isaga sii hoggaamin lahaa howsha doorashada.

Maamullada dalka waxay heleen awood aysan heysan markii uu Farmaajo gacanta kula jiray doorashada, tacadiyada hadda socda qaar waxaa loo sameynayaa Farmaajo dartiis oo isaga ayaa ragga qaar waxay u hayaan shaqo aan shaacsaneyn, laakiin sidaas oo ay tahay Farmaajo gacantiisu waa ka bannaanka doorashada.

Haddaba su’aasha ugu badan oo dadku is waydiinayaan ayaa ah Farmaajo wax maku yeelan doonaa ceebaha iyo fadeexadda doorashadaan, si lamid ah eedihii uu Xasan Sheekh ku yeeshay doorashadii 2016-kii.?

Dad badan waxay qabaan inay arrintu u qeybsami doonto labo, mid Farmaajo waa ku ceeb, midna wuu ka badbaadi doonaa.

Farmaajo waxaa ceeb ku noqon doonta, inuu hoggaamin waayey doorashada oo uu dalkii doorasho gelin waayey oo uu muddo kororsi aaday, kadibna uu xalkii noqday in laga wareejiyo doorashada. Mida kale waxuu ka badbaadi doonaa eedda boobka iyo fadeexadda doorashada socota.

Cid kale haddii ay isaga dartiis wax usoo boobto ama isaga oo dhuumanayo uu doorashada ku dhex jiro kama dhigna inuu qaadan doono eed lamid ah middii uu qaadan lahaa haddii uu toos madax uga ahaan lahaa shaqda doorashada ayey leeyihiin dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Golaha wada-tashiga Qaran ayaa qaadan doona dhibaatada iyo ceebta doorashadaan, Farmaajana bannaanka ayuu ka joogaa  golahaan.

Inkastoo ay mucaaradka guul u arkeen in Farmaajo laga fara maroojiyey hoggaankii doorashada, haddana waxaa dhibaato ku ah in gobolada qaar ay shaqo uga socoto Farmaajo isna uu ka badbaadayo mas’uuliyadda eedaha doorashada.

Kooxdiisa qaar waxay leeyihiin haddii uu Farmaajo sii hoggaamin lahaa mashruuca doorashadaan sidaan foolxumada ah waxba uma dhaceyn, qaarna waxay leeyihiin waa fursad in gacanta wax lagu boobayo ee Berri la eedi doono inaysan aheyn midda Farmaajo.

Source link