Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu weheliyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki ayaa maanta kormeeray xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Ereteriya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo warbixinno ka dhageystay sarakiisha ciidanka ayaa ku bogaadiyay dal jacaylka, dhabar adeyga iyo kartida ay muujiyeen muddada ay tababarka ku jireen, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan sidii ay u garab siin lahaayeen halyeeyada kale ee ciidamada qaranka ee ku jira dagaalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamadan kula dardarmaamay iney qeyb ka qaataan sugidda amniga guud ee dalka iyo dib u xoreynta wadanka.
Waxaa sidoo kale ciidamadan ay qaateen tababar aad u heer sareeya kaa oo ka duwan midka ciidamada dowladda ee dowladaha kale ay tababareen.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ciidamadan ka dalbatay iney si gaar ah uga howlgalaan wajiga Saddexaad ee dagaalka Khawaarijta oo bilaaban doono 6-bil kadib marka uu dhamaado kan hadda socda.
Dhanka kale waxaa hadda la qorsheynayaa in ciidan kale oo dheeraad ah loo diro Erteria kuwaa oo loo bogay howlgalladooda islamarkaana wax badan ka qabtay amniga guud ee Soomaaliya oo dhan iyada oo Khawaarita shabaab aad uga baqaan ciidankan.
Muqdisho-Somalia