Lix Qodob oo ay tahay inuu xaqiiqsado Muuse Biixi ka hor inta uusan xilka ka dagin

Posted on

Madaxweynaha maamulka iskiisa ugu dhawaaqay ee Somaliland Muuse Biixi ayey soo wajahday walaac aad u xoogan kadib markii inta uu xafiiska uu joogay ay gacantiisa ka baxday Sool iyo Sanaaag.

Arrintaas ayaa timid kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii Laascaanood halkaa oo laga saaray islamarkaana Goojacadde ay u dhaceen ciidamada SSC-Khaatuma.

Hadaba Somaliland oo gooni u taagan inkabadan 20 sano ayaan helin wax aqoonsi ah waxaana xusid mudan in hadda xaaladda ay kusii xuntahay.

Dhinacyada mucaaradka ku ah Muuse Biixi ee Xisbiyada Somaliland ayaa aad ugu dhaliilay maamul xumadiisa iyo sida ay gacantiisa uga baxday magaalooyin hoos imaanayay Somaliland.

Hadaba halkan Hoose ka akhriso Lix Qodob oo lagula taliyay Muuse Biixi islamarkaana ay tahay inuu xaqiiqsado.

Faataxada halloo maro M/weyne Muuse Biixi in Ilaahay fahansiiyo:

1) In ay Laas Caanood  tagtay;

2) In Ictiraaf aanu u soo socon Somaliland;

3) In khataro external ah ay Somalia iyo Somaliland uga soo wajahan yihiin deriska (Zeylac ayaa la rabaa in la boobo);

4) In Plan B  ay u baahan yihiin Jaalle Reer Sheekh Isaxaaq — oo  status quo aysan sii socon karin; — weliba ku dar oo in waayeelka sida Saleebaan G*%l, Edna, Kaahin, Waraabe, Biixi iwm ay waxay qaban kareen qabteen haddana ay marayaan xilli la mid ah xilligii Maxamed  Siyaad Barre oo jooga September 1990.

5) in ‘anaa iri’ iyo ‘anaa raba’ aysan marar badan shaqayn oo xitaa America iyo  Russia ayaa Ciraaq iyo Afghanistan ama  Ukraine anaa iri ayagoo leh haddana hungoobey oo ka huleelay:

6) In wixii Xamar 2010 ilaa 2017 laga ogolaa oo blank check ahaa iyo Jaalle Isaaqoow waxaad rabtaan sheegta taas xitaa miiska laga sii qaadi rabo;

Walaalayaaloow, odaygu intaas waa fahmi waayey ee faataxada u mara in Rabbi fahamsiiyo;

Muqdisho-Somalia

Loyalyare12@gmail.com

Source link