Lacag la sheegay in Imaaraadka Carabta siisay RW Rooble & Xogo soo baxay

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal Afar cisho qaatay oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo intii uu joogay Imaaraadka Carabta kulammo la yeeshay madaxda ugu sarreysa dalkaas ayaa socdaalkiisu ku qotomay horumarinta xiriirka iskaashi ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, fududeynta fiisooyinka dadka Soomaaliyeed ee u safra Imaaraadka Carabta, dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalkaas, gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso iyo qodobbo kale oo kkuseeya gobolka geeska iyo xiriirka labada dal.

Safarka Rooble ee UAE ayaa shaki badan ay ku geedaaman yihiin,waxaana murashaxnimadiisa la hadal hayey uu iska diiday balse shakhsi gaar ah ayuu wataa oo dhisi doonaa.

Lacag badan ayaa warar soo baxay ay sheegayaan in Rooble uu ka helay Iskutaga imaaraat-ka carabta,balse tiro rasmi ah oo la og yahay ma jirto.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa uraadineysa ceeb iyo fadeexado gaar ah Safarka Rooble taas oo ay doonayaan inay kusoo aadayaan dib ugu soo laabashadiisa maanta ee Muqdisho.

Maalintii uu duulay waxa Rooble soo baxday Warqad Amar ah oo kasoo baxday maxkamad Gobolka Banaadir ay ku hor istaagtay in lacagta UAE laga xanibay aan lasiin karin,waana mid la abaabulay qorshahaasi.

 

Source link