La-taliyihii Farmaajo oo jeediyay in Al-Shabab loo baneeyo xilka si ay iskaga dhiciso Abiy

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – La-taliyihii hore amniga qaranka ee madaxweynihii hore ee Farmaajo oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiskii badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo jeedin yaab leh sameeyay.

Cabdisaciid ayaa soo jeediyay haddii madaxweyne Xasan iyo dowladdiisa ay iska dhicin karin damaca guracan ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay meesha u baneeyaan kooxda Al-Shabaab, si ay meel u saaran Itoobiyaanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Abiy Axmed waa nin mayal adag oo xagjir ah, mana yaqaano xishood ee haddii aadan iska dhicin karin rag (Al-Shabaab) iska dhicin karaa jiree u banee,” ayuu yiri la-taliyihii hore amniga qaranka Cabdisaciid Muuse Cali.

La-taliyihii hore ee Farmaajo ayaa ku dooday in dowladnimada Soomaaliya uu gaaray dhaawac weyn, ayada oo madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa uu ku dhaliilay inay si adag uga jawaabin hadallada kasoo yeeraya Abiy Axmed.

“Marwalba oo ra’iisul wasaaraha Itoobiya hadlo qof u jawaaba ma lahan, ama jawaabta haddii ay timaado jawaab daciif ah waaye,” ayuu markale Cabdisaciid ku yiri wareysi gaar ah uu siiyay BBC.

Arrinta la-yaabka leh ayaa ah in ninka sidaan u hadlaya uu mas’uul sare ka ahaa dowladdii madaxweyne Farmaajo, oo ayadu lagu eedeeyo in aysan wax dagaal ah la gelin Al-Shabaab intii ay tallada haysay, middaasi oo siisay fursad ay ku naaxdo kooxda.

Al-Shabaab ayaa la sheegaa inay xiisadda ka dhalatay heshiiskii is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland oo banaanka keentay damaca guracan ee Abiy ay ku heshay dagaal-yahaano cusub, ayada oo adeegsaneysa masrixiyadda “Itoobiyaan naceybka”, xilli uu sanadkii hore hoos u dhac ku yimid kooxda, oo dagaal adag kala kulantay ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan.



Source link