Home Xogta Dahsoon Koox hubeysan oo weerar dad lagu dilay ka fuisay Gobalka Mudug

Koox hubeysan oo weerar dad lagu dilay ka fuisay Gobalka Mudug

Wararka laga helayo degmada Galdogob ee Gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan  in koox hubaysan ay dad shacab ah xalay ku laayay baadiyaha degaanka lagu magacaabo, Dhagxanya-Cadde.

Waxaa wararka ay intaas ku darayaan in Laba nin oo kamid ah xoola-dhaqatada miyiga Dhagxanya-cadde ayaa ku dhintay weerarka, halka mid kalena ku dhaawacmay islamarkana xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo.

Weerarkan oo la rumaysanyahay in uu la xiriiro aanooyin qabiil, ayaa kooxda fulisay ka yimaadeen dhinaca koonfurta Gaalkacyo sida Goobjoogayaal ay u sheegeen warbaahinta.

Saakay waxaa ka taagan  gobolka Mudug xiiisada dilkaas ka dhalatay iyadoo laga cabsi qabo inuu qarxo dagaal beeleeed dhexmara maleeshiyo hubeysan kuwaa oo bilooyinkii ugu dambeeyay waan waan laga dhex waday.

Gobalka Mudug ayaa kamid ah meelaha ay ka dhacaan dagaalada aanooyinka qabiil iyadoo maamulada ka dhisan ay yihiin kuwo aan awood badan u laheyn iney dagaaladaas xakameeyaan.

 

Source link