Koonfur Galbeed qaaday tallaabo ay ku soo gaba-gabeyneyso doorashada Baraawe

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa shaaciyey liiska 13-kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

13-kaan kursi waxay gabagabo u yihiin kuraasta taalla magaalada Baraawe, waxayna guddigu sheegeen in maalmaha soo socda ay qabanayaan doorashada kuraastaan.

Maanta waxaa lasoo gabagabeeyey doorashada 13-kii kursi ee lagu bilaabay doorashada Baraawe, waxaana degmadaas oo ah deegaan doorashada labaad ee Koonfur Galbeed laga soo doortaa 26-kursi.

Koonfur Galbeed oo xubnaha ugu badan ay ka soo galaan baarlamaanka dalka ayaa hadda si dardar leh ku wada doorashada golaha shacabka, xilli dowlad goboleedyada kale gaabiyeen dhaqdhaqaaqa geedi socodka doorashada.

Dhanka kale doorashada Baraawe waxaa loo diiday warbaahinta, iyadoo aan la xadeyn sababta, hase yeeshee waxaan qarsooneyn in musuq iyo wax si daba marin badan ay ka jirto doorashada ka socota dalka.

Hoos ka aqriso liiska kuraasta lagu dooranayo Baraawe

Source link