Khaliif Cabdi Cumar oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

 Magaalada Beledweyne waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadooda ay tahay dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kursiga Hop#032, waxaana kusoo baxay wasiirka ganacsiga Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar.

Khaliif oo dib loo doortay ayaa helay codad gaaraya 81 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 10 cod.

Doorashada ayaa haatan sii soconeyso, waxaana haray shan kursi kale oo qorshuhu in isla maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne.

Kuraasta doorashadooda la qabanayo waxaa sidoo kale ku jira kursiga HOP#068 oo uu tartamayo afhayeenka xuukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu.

HirShabelle ayaa dadajineysa doorashada Golaha Shacabka, waxayna shalay soo saartay qaybtii labaad kuraasta deegaan doorashadooda ay tahay Beledweyne.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socoto Maarso, sida ay dhowaan isku raaceen xubnaha Golaha Wadatashiga.

 

Source link