Home Warka Maanta KASHIFAAD: Sidee Kudhawaad 300 Askari Jubbaland Looga Qabtay?

KASHIFAAD: Sidee Kudhawaad 300 Askari Jubbaland Looga Qabtay?

Ku dhowaad 300 askari oo kamid ah ciidankii soo weeraray degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo ayaa maanta isu dhiibay dowladda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Canjeex ayaa BBC SOMALI duhurnimadii usheegay in 250 Askari ka badan ay maxaabiis ahaan uga qabteen Jubbaland kuwoodii Maanta weeraray Beled xaawo.

Hayeeshee waxa la sheegay in Ciidanka isdhiibeen markii kuwii xalay Magaalada qabsaday la jebiyey waxayna ahaayeen kuwa is dhiibay askartii ka dhax dagaalamaysay dabaqyada Hormuud iyo Dahabshiil, iyadoo markii dambe ay ka carareen ciidan kale oo la safnaa taas oo keentay in la hareerayo.

Maamulka degmada Belex xaawo iyo Saraakiil kuwa amaanka ah ayaa la sheegay in cod baahiye ama Makaroofoono ay kula hadleen ciidanka iyagoo ugu baaqay in ay is dhiibaan si naftooda loo badbaadiyo.

Ciidankii Go’doonsanaa ee Jubbaland ayaa qaatay Taladaas waxeyna dhigeen hubkii iyagoona sidaas isugu dhiibay Dowladda Soomaaliya.

Weli waxaa la sugayaa Warka Dagaalkii Beled xaawo ay kasoo saaraan Madaxda Jubbaland iyo Qaabkii Maxaabiis intaas la eg looga qabtay.