Home Warka Maanta Kadib Kulan Xiiso Lahaa Real Madrid Oo Bar-Baro La Gashay Hogaamiyayaasha La...

Kadib Kulan Xiiso Lahaa Real Madrid Oo Bar-Baro La Gashay Hogaamiyayaasha La Liga Ee Atletico Madrid – Allbanaadir Media

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa ku kala baxay bar-baro 1/1 ah kulan xiiso lahaa oo ka tirsnaa horyaalka La Liga.

Qaybta Hore:

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo ay labada kooxoodba ku soo galeen sidii ay goolal u dhalin lahaayeen hogaankana ugu qaban lahaayeen kulanka.

Kooxda Real Madrid ayaa iyadu maamulaysay kulanka laakiin waxa ay Atletico Madrid adeegsanaysay kubado rogaal celis ah xilli ay dhanka kale daafac ku jireen.

Daqiiqadii 15-aad ayay Atletico Madrid dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Luis Suarez kas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kadib goolkaas kooxda Real Madrid ayaan ka bixin jawaabtii laga filayay iyaga oo ku dhibaatooday in ay dhaafaan daafaca kooxda Atletico Madrid.

Atletico Madrid ayaa dhankeeda samaysay fursado cajiib ah oo ay goolal ku dhalin kartay iyaga oo adeegsanayay kubadaha dhaadheer iyo weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Atletico Madrid hogaaminayso natiijada waliba si fiican u difaacdeen goolkooda una diiddeen Real Madrid.

Qaybta dambe:

Kooxda Atletico Madrid oo gool ku hogaaminaysay ciyaarta ayaa qaybtii dambe ku bilaabatay qaab dar-dar leh waliba ay qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Goolhayaha Real Madrid ee Thibout Courtois ayaa sameeyay laba babaadin oo cajiib ah oo uu goolkiisa uga hor istaagay xiddigaha Suarez iyo Lemar.

Real Madrid ayaa dhankeeda samaysay fursado ay ku dhalin kartay goolal laakiin waxa Los Blancos ka maqnaa dhamaystirka fursadaha.

Saaxiibada Karim Benzema ayaan ka niyad jab ciyaarta waxana ay sii wadeen raadinta goolka bar-baraha iyo in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 87-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyaga oo kala qaybsaday dhibcaha kulanka.

Source link