Home Warka Maanta Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Lazio Xilli Uu Cristiano...

Juventus Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Lazio Xilli Uu Cristiano Kaydka Ku Bilowday. – Allbanaadir Media

Kooxda Juventus ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Lazio kulan uu xiddigooda ugu fiican ee Cristiano Ronaldo kaydka ku bilowday.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada labada kooxoodba ku bilowden sidii ay goolal u dhalin lahaayeen.

Daqiiqadii 14-aad ayay Lazio ku hor martay goolka iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Joaquin Correa kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Juventus ayaa bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha xilli uu Gool dhaliyohooda Cristaino Ronaldo kaydka ka soo daawanayay.

Daqiiqadii 39-aad ayay Juventus dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Adrien Robiot kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Juventus dirqi ugu soo laabatay ciyaarta waliba qaybta hore fiicnayd kooxda Lazio.

Qaybtii dambe ayay Kooxda Juventus si fiican ku bilaabatay iyaga oo ka fiicnaa Lazio kuwaas oo aad mooday in ayna wali ka soo bixin qolka Labiska.

Daqiiqadii 57-aad ayay Juventud dalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo kooxdiisa u dhiibay hogaanka ciyaarta.

Juventus ayaa mar kale daqiiqadii 60-aad dhalisay goolka 3-aad waxana mar kale gool u dhaliyay xiddiga Alvaro Morata kaas oo rikoodhe loo dhigay kooxdiisa gool u badalay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda mayalka adag ee Lazio xilli ay ku sii dhawaatay kooxaha reer Milan ee ka horeeya.

Source link