Home Xogta Dahsoon Jubbaland oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan fariinta katimid RW Rooble

Jubbaland oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan fariinta katimid RW Rooble




Madaxtooyada Jubbaland qoraal kooban oo ay soo saartay waxey ku taageertay go’aanka RW Rooble.

Jubbaland ayaa ku bogaadisay Maxamed Xuseen Rooble doorkiisa hogaamineed ee dalka iyo xoojinta xiriirka Dimuqraadiyadeed ee Dowladaha deriska la ah dalka .

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa lagu yidhi;

“Dowladda Jubbaland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.

Jubbaland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

 



Source link