ITOOBIYA oo joojisay ku dhowaad 80% biyaha webiyada Soomaaliya

Posted on

Afeef: Ujeeddada qoraalkaan waa ogeysiin iyo xasuusin cid gaar ahana loolama jeedo

HORDHAC:

Wabiyadu waa ilaha ugu muhiimsan ee biyaha saafiga ah, kuwaas oo door weyn ka ciyaara horumarinta dhaqaalaha bulshada iyo ilaalinta nolosha deegaanka. Guud ahaan marka la eego maaraynta khayraadka biyuhu waxa ay noqonayaan waxa ugu muhiimsan oo ay tahay in mar walba la ilaashado. Dalka Soomaaliya aad bay muhiim ugu yihiin Webiyada Jubba iyo Shabeelle marka la eego sida ay ugu tiirsan yihiin beraleyda iyo xoola dhaqatada Soomaaliyeed. Qoraalkaan waxa aan ku eegi doonaa, burbukii qarankeenna ee 1991 kadib xaalka wabiyada Jubba iyo Shabeelle sida uu yahay hadda iyo dhibka Shacabka Soomaaliyeed ka heysta xagga biyaha webiyada. Waxa jira in biyo xireenno badan ay itoobiya ka sameysay dhulka Soomali galbeed taas ayaan faahfaahin doonaa haddii Alle idmo.

Maxaa ka dhashay biyaxireennada faraha badan ee Itoobiya ka dhistay ama ka dhiseyso Webiyada Jubba iyo Shabeelle

Jubba iyo Shabeelle waa webiyada ugu waaweyn Soomaaliya. Waxay abuuraan dhul-biyood bacrin ah, waxay joogteeyaan beeraha lagama maarmaanka u ah nalosha dadka iyo wax-soo-saarka dalagyada kala duwan, waxayna siiyaan  biyo inta badan dadka iyo duunyada waddanka ku dhaqan.

Webiga Jubba oo ah kan ugu biyaha badan

Wabiga Jubba ayaa mara masaafo dhan 545 mayl (877km), isaga oo ka samaysma xudduudda Itoobiya iyo Soomaaliya.  Dhererka guud ee webiga Jubba waa 1,808 Km, bedka biya-qabsigiisu waa qiyaastii 210,010 Km2. Celcelis ahaan, 187 mitir seddax jibaaran (186,000 litir) oo biyo ah ilbiriqsigiiba ayaa mara ama 673,200 Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran) oo ku qulqulaya webiga Jubba marka la joogo Degmada Luuq ee dalka Soomaliya. Dhulka biyaha Jubba ka yimaadaan ee gudaha Itoobiya waxa uu badda ka sarreeyaa 5,195 m. Webiga Jubba, waxa uu galaa Badweynta Hindiya meel u dhow  magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya, dhererka webigu waxa uu dhan yahay qayaastii 1,808 km, 840 km ka mid ah waxay dhacdaa gudaha Itoobiya, 1,004 km waxa ay dhacdaa gudaha Soomaaliya.

Si dabiici ah celceliska qulqulka biyaha sanadlaha ah ee webiga Jubba gudaha dowladegaanka Itoobiya waa  6,600 Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran) meesha uu qulqulku yahay  6,200 Mm3 gudaha Soomaaliya (Luuq), waa haddii aysan itoobiya faragelin. Waxasa muuqata in biyahaas la weyndoono Mustaqbalka haddii aan xal loo helin. 

Webiga Shabeelle

Webiga Shabeelle waxa uu ka soo jeedaa buurta Bale ee ku taal buuraleyda Itoobiya, waxa uu joog dhan 4,230 m ka sarraysa heerka badda. Wabigu waxa uu socdaa masaafo dhan 2,526 km oo 1,290 km ay tahay gudaha dalka Itoobiya ama dowla degaan Soomaolida, iyo 1,236 km oo uu maro gudaha dalka Soomaaliya. Waxa uuna  si caadi ah ugu dhamaada meel u dhow halka Jubba ka galo Badweynta Hindiya, marka uu shabeelle aad u biya badan yahay oo roobab badan da’aan waxa uu ku darsamaa webiga Jubba hakaas oo ay badda ku wada shubaan. Marwalba webiyadu waxa ay biyo siiyaa biyo fariisimada dhulka hoos tiisa ah ee ceelashu ku tiirsan yihiin.

Xaddiga Biyaha sannadlaha ah ee webiga Shabeelle celcelis ahaan magaalada Goday ee dowladegaanka Itoobiya waa 3,387 Mm3, Meesha ay magaalada Beled-Weyne ee Soomaaliya ay soo gaarto sannadkii 2,384 Mm3 (milyan oo mitir sedex jibbaaran) celcelis ahaan oo u dhiganta 76m3/s, waa marka aan itoobiya faragelin asalka habsami u socodka biyaha webiga.

Qulqulka webiga Maxaa wax u dhimi kara?

Dhulka sare ee Itoobiya (Godey), waxa laga dhisay oo shaqa galay 1988 biyo xireen Melka Wakana oo laga dhaliyo korontada soona saara 153MW, beerahana lagu waraabiyo oo qulqulkiisu yahay 60m3/s qaadana keydin dhan 763Mm3 (milyan mitir seddex jibbaaran).

Mashruuca labaad ee waraabka ee Goday oo leh kanaal dhererkiisu yahay 17 km, wuxuu awood u leeyahay inuu waraabiyo 17,000 hektar oo dhul ah. Kanaalka, oo xambaarkiisu yahay 46 m3/s, ayaa  cuna xaddi badan oo ah biyaha dhulka saxara u ekeha ah ee Ogaadeeniya ee bariga Itoobiya kaas oo si weyn u yareeya hadda qulqulka biyaha soo gaara Soomaaliya in ka badan 60%.

Qorshaha Itoobiyae ee ku aaddan Webiga Shabelle

Sida ay soo xigtay Royal Institute of Technology, Stockholm, Sweden  Mashruuca Daraasadda Isku-dhafan ee Wabi Shabeele (Basin Integrated Development Master Plan), mashruucyo aad u badan oo waraab iyo koronto ka dhalin ah ayaa webi Shabeelle laga diyaariyey, kuwaas oo dhan 141 mashruuc (25 waaweyn, 76 dhexdhexaad ah iyo 40 yar yar oo waraab ah) oo leh bed saafi ah oo waraab oo dhan 209, 310 hektar  loona qoondeeyay horumarinta waraabka dooxadaas, oo cunaysa qadar biyo oo lagu qiyaasay 2,566 Mm3 in laga hirgeliyo Itoobiya, kuwaas oo aad uga badan inta laga helayo xuduudka Soomaaliya oo noqoneysa (821Mm3 kaliya) ama u dhiganta oo kaliya 24%. Halkaan waxa ka muuqaneysa in Itoobiya cunaqabateyn biyood oo aan laga hadleyn asalkaba  ku heyso dalka Soomaaliya. waxa  kale khatar weyn ku ah Soomaaliya biyaha faraha badan ee ay keydisay Itoobiya (76%) waxa ay awooddaa in ay ku soo deyso dalka iyada oo u isticmaalaysa biya dagaal qarsoodi ah oo ay ku baabi’ineyso dalagyada iyo magaalooyinka dalka.

Qorshaha Itoobiya u dejisay Mustaqbalka ee biyaha Webiyada Soomaaliya mara

2007 waxa la qorsheeyey in laga dhiso labada webiyada 22 biya xireen oo badankood koronto laga dhaliyo, markii dambe waxa lagu soo gaabshay 9 bixireen oo waaweyn. Waxa la qorsheeyey in la fuliyo inta u dhexeysa 2013 iyo 2035. Kuwaas oo u qaybsam seddax laga dhisaayo webi Shabeelle iyo lix laga dhisaayo Webiga Jubba, taas oo ugu damnbeynta keeni doonta in aan soomaaliya wax biyo wabi ah  soo gaarin waxa ayna kala yihiin mashaariicdaasu:

1. Webi Shabeelle:

a. 117 MW, Biyo xireenka WS18 awoodda (3, 681Mm3) koronto dhalin, Waraab iyo  daad yarayn

b. 60 MW Biyo xireenka WS9 oo qaado (715Mm3) Koronto dhalin waraab iyo howlo kale

c. 80 MW biyo kala wareejinta dooxada gudaheeda  (120 Mm3) koronto dhalin

2. Webi Juba:

a. 265 MW Biyo-xireenka GD-03 koronto dhalin iyo nidaaminta webiga, waraabka iyo howlo kale

b. 200 MW Biyo-xireenka GD-06 koronto dhalin

c. 130MW Biyo Xireenka GD-02 koronto dhilin, waraab, iyo howlo kale

d. 106 MW Biyo Xireenka GD-05 koronto dhalin iyo howlo kale

e. 185 MW Biyo-xireenka GD-07 koronto dhalin iyo si buuxa u nidaaminta webiga

f. 82 MW Biyo xireenka GD-08 koronto dhalin

(Abdullahi Elmi Mohamed 2013) Royal Institute of Technology, Stockholm, Sweden

Dooxada Jubba-Shabelle, isbeddelka cimilada iyo biyo-xireennada laga dhisayo waxay saamayn xun ku yeelan doonaan helitaanka biyaha iyo ammaanka dhinacyada badan leh ee xigga Soomaaliya. Saami qaybsiga biyaha laguma go’aamin karo maslaxadda hal dal oo ka mid ah dooxooyinka webiyadu ay maraan. Waxa lagu xallin karaa oo kaliya wada-xaajoodyada ku lug leh arrimaha kale ee ku xeeran is-dhexgalka dhaqaale sida heshiisyo khuseeya ka faa’iideysoga Itoobiya ee Dekkedaha ku teedsan xeebaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo qulqulka webiyada aan carqaladayn si aan dhib u gaarin waraabka iyo ka faa’iideysia Soomaaliya.  (SIPRI 2020)

Gunnanad

Axdiga Afrika ee ilaalinta dabeecadda iyo kheyraadka dabiiciga ah waxaa lagu ansixiyay 1968 Algiers. Kaas oo aan ogolayn in waddan uu kaligii go’aan ka gaaro horumarinta webiyada kala dhexeysa waddama kale, axdigaas Itoobiya wey jebisay.

Waxa dowladda iyo shacabka Soomaaliyedba la gudban in ay arrintaan wax ka qabtaan oo aaney fiirsan ilaa ay webuyodu ka qalalaan. Itoobiya dhul Soomali leedahay weligeed heli mayso, waxase ay heli kartaa Dekado ay wixii ay doonto kala soo degto kana dhoofsato, waa haddii ay ogoshahay in ay wada xajood wax ku raadsato oo nabad lagu wada noolaado.

Soomaliya waxa ay leedahay badweyn laga soo saari karo biyo intii la  doonno. Waxa aad wada ogsoon tihiin ay jiraan wadaman si buuxda u gu tiirsan biyaha macaan ee badda laga dhaliyo. Matal ahaan waxa jira ku dhawaad 16,000 oo warshadood oo nadiifiya biyaha badda, kuwaas oo ku yaal 177 waddan, kuwaas oo soo saara qiyaastii 95 milyan m3 oo biyo macaan ah maalintii. Itoobiya haddii ay wada xaajood diido Soomaliya waxa ay badda ka soo saran kartaa inta ay webiyada ka heli jirtay kabadan hadii Alle idmo.

W/Q: Dr. Prof. Axmed Cumar Calasow
dralasso@snu.edu.so