ISRAEL oo amar culus dul dhigtay dadka reer GAZA xilli ay dishay in ka badan 38,000 ruux

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Millatariga Israa’iil ayaa ku amray Falastiiniyiinta ku nool magaalada Gaza in ay isaga baxaan.

Waxay fareen inay u barakacaan dhinaca waqooyi, xilli ay guluf xoog leh ka wadaan guud ahaan waqooyiga, koofurta iyo bartamaha Marinka Gaza.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in warqado ay hawada kasoo daadiyeen, ay Israa’iil ugu sheegtay dadka ku nool magaalada Gaza in ay ka baxaan oo ay maraan laba dariiq oo ay ku sheegeen in ay nabad yihiin, kuwaas oo aadaya dhanka koofurta, gaar ahaan degmada Deyr Al-balax.

Afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa amarka daad-gureynta Israa’iil ee guud ahaan magaalada Gaza ku tilmaamay mid keenaya “dhibaato ballaaran”.

Duqeymo aanan kala go laheyn oo ay ciidamada Israa’iil saddexdii maalin ee lasoo dhaafay ku garaacayeen xaafado ka mid ah waqooyiga iyo koofurta Gaza ayay saraakiisha caafimaadka sheegeen in tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur lagu dilay.

Xoojinta dagaalka iyo duqeymaha ay ciidamada Israa’iil ka wadaan Marinka Gaza ayaa imaanaya, xilli dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar ay magaalada Dooxa kula kulmeen saraakiil ka tirsan Israa’iil, oo ay kala hadleen suura-gelinta heshiis xabbad-joojin oo ka dhaqan-gala Gaza.

Tan iyo bishii October, saraakiisha Falastiniyiinta ayaa sheegay in Israa’iil ay Gaza ku dishay in ka badan 38,000 oo Falastiinyiiin ah oo u badan dumar iyo carruur.



Source link