Imaaraadka oo war kasoo saaray toogashadii xerada Jeneral Goordon iyo khasaaraha

Posted on

Abu Dhabi (Allbanaadir Media) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xaqiijiysay in saddex sarkaal looga dilay weerarkii uu askari tababar ku jiray ka fuliyey xerada Jeneral Goordon ee magaalada Muqdisho, habenekii Sabtida.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale lagu sheegay in sarkaal afaraad oo u dhashay dalka Baxreyn uu ka mid yahay xubnaha la dilay, ayada oo sidoo kalena laba kale ay dhaawacmeen.

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen 3 askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo ka dhashay fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxay ku guda jireen gudashada waajibaadkooda shaqo ee tababarrida iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya ee qaab-dhismeedka iskaashiga milateri ee labada dal.”

Wasaaradda gaasshaandhigga ayaa sheegtay Imaaraadka Carabta ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto baaritaanka ficilkan aadka u xun.

Xog ay heshay Allbanaadir Media ayaa sheegeysa in saraakiisha Imaaraadka Carabta ee la weeraray aysan deganeyn xerada oo ay degan yihiin xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde, balse ay si joogto ah u tagaan xerada, si ay u bixiyaan tababarada.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in saraakiisha ay ahaayeen bartilmaameedka weerarka, inkasta oo ay jiraan askari Soomaali ah oo qeyb ka ahaa tababarka oo iyagana weerarka ku dhintay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarka, waxaana la rumeysan yahay in askariga uu ka tirsanaa kooxda ka hor inta aanu kusoo biirin tababarka oo muddo fog kahor loo soo diray weerarka.

Askariga weerarka fuliyey ayaa la sheegay inay damiin ka ahaayeen oo ay tababarka geeyeen xubno sare oo ka tirsan dowladda, balse weli la isku khilaafsan yahay qofka rasmiga ah ayada oo ay jiraan warar is khilaafsan oo sheegaya xubno kala duwan.