Ilhaan Cumar oo ka hadashay doorashadda Soomaaliya kana digtay dib u dhac kale








Xildhibaanada laga soo doorto gobolka Minisoota ee dalka Mareykanka, Ilhaan Omar ayaa markii ugu horeysay ka hadashay doorashada Soomaaliya.

“Waa in aan aad ooga dadaalnaa sidii ay doorasho ooga dhici lahayd Soomaaliya, anaga waxaan dhahnaa dalka Ameerika waa dal dimuquraadiyadda aaminsan, qofkastana fursad loo siiyo in uu madaxweynihiisa doorto,” ayay tidhi

Ilhaan Omar ayaa sidoo kale sheegtay in aan doorashada mar kale dib loo dhigin.

Hadalka Ilhaan Omar ayaa kusoo beegmaya xilli mudadii loo qorsheeyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorasha xildhibaanada

aqalka hoose ay maanta ku egtahay, ayadoo wali maamul goboleedyada badankooda aysan soo dhameystirin kuraasta xubnaha ku matali lahaa golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Soomaaliya.

Muqdisho-Somalia








Source link