Howlgal ciidamada danab ugu daateen goobo Al Shabaab kusugnaayeen Sh/Dhexe

Ururka 4-aad guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Goobaale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Saraakiisha waxay sheegeen in u jeedka howlgalkaas ahaa Burburinta goobo cadowgu Al-Shabaab ay kaga dhuumalaysanayeen deagaankaas.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka kumaandooska Danab, balse ciidanka oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas.

Hawlgalkaas ayaa qayb ka ahaa holwgallada guud oo xidida loogu siibayo haraadiga naflacaariga ee Argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish.

 

Source link