Hogaamiyaha SSC Khaatumo oo kulamo xasaasi ah kawada Muqdisho

Posted on




Hoggaamiyaha SSC Khaatumo C/qaadir Axmed Firdhiye ayaa hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ka bilaabay kulamo uu kula qaadanayo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kale ee bulshada rayidka.

Xubnaha uu la kulmay waxaa kamid ah Guddoomiye Ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, iyo masuuliyiin kale.

Mr. Firdhiye oo shalay si meeqaam sare leh loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ayaa ku amaanay xubnahan sida ay usoo booqdeen, wuxuuna warbixin ka siiyay xaalada deegaanada SSC Khaatumo oo uu hoggaanka u yahay.

Sida xogaha tilmaamayaan, C/qaadir Firdhiye ayaa maanta lagu wadaa inuu kulan gaar ah la yeesho ra’iisul wasaaraha dalka Xamze Cabdi Barre, waxa ay ka wada hadli doonaan siyaasada dowladda ee SSC Khaatumo.

Hogaamiyaha SCC ayaa doonaya in Sool  iyo Sanaag laga dhigo maamul goboleed ka madax banaan Somaliland iyo Puntland taa oo u eg mid aan suuragal noqon karin.

Marka la eego habka awood qeybsiga Soomaaliya macquul ma ahan in Beesha Daarood ay helaan Saddex maamul Goboleed oo hawiye uu heysto kaliya Laba maamul.

Waxaa isha lagu hayaa go’aanka uu qaadan doono Ra’isul Wasaare Xamse oo laga filayo inuu afkiisa ka ilaaliyo hogaamiyaha SSC.

Muqdisho-Somalia








Source link