HirShabeelle oo mar kale ku hagoogatay Fahad Yaasiin




Jowhar (Allbanaadir Media) – Madaxtooyada maamulka HirShabeelle ayaa ku hagoogatay oo taageero xooggan u muujisay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo weli kursigiisa HOP086 uu ka xayiran yahay dhanka guddiga doorashada heer federaal (FEIT). 

HirShabeelle ayaa dalbatay ka dalbatay Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay maamulka. 

Qoraalka HirShabeelle ayaa yimid saacado kadib markii Guddiga doorashooyinka heer federaal uu xalay fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, halka uu go’aamiyey in lagu laabto doorashada HOP154, balse aanu soo hadal qaadin kursiga Fahad ee HOP086.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay HirShabeelle 

Dowladda HirShabeelle waxay aad uga xuntahay hakinta sharci darrada ah ee lagu sameeyay Kursiga HOP086 oo deegaan doorashadiisu tahay Dowladda HirShabeelle.

Dowladda HirShabeelle waxay cadeeyneysaa in doorashada kursigaas loo maray hannaan waafaqsan Heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii doorashooyinka oo sax ah, goobjoogna ay ka ahaayeen Gudiyada SEIT, FEIT iyo Gudiga xalinta khilaafaadka, wax cabasha ahna aysan ka imaanin beesha leh kursigaas iyo murashaxiintii ku tartantay sidaas darteedna ay natiijadiisu tahay mid sax ah. 

Dowladda HirShabeelle waxay ka digeysaa tallaabooyinka ay gudiga FEIT ku xagal daacinayaan dhameestirka doorashooyinka dalka.

Dowladda Hirshabelle waxay cadeynaysaa in kursiga tirsigiisu yahay HOP086 aysan jirin wax habraac qaldan ah balse loo heysto dano siyaasadeed taasina waxaa cadeyn u ah in gudiga FEIT uu caawa fasaxay kuraastii lala hakiyay iyadoo aysan jirin wax habraac qaldan ah oo lasaxay, arintuna ay tahay anigaa qabsaday anigaana fasaxay tasoo muujineeyso kutakrifal awoodeed.

Uga dambeeyn Dowladda HirShabeelle waxay ugu baaqaysaa Gudiga FEIT iney fasaxaan kursiga tirsigiisu yahay HOP086 dhowraana heshiisyadii Madasha Watashiga Qaran si looga fogaado waxkasta oo dib udhac u keeni karo doorashada Dalka. 

-DHAMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA HIRSHABEELLE



Source link