Hanjabaadii IMF kadib shir u furmay Dowladda Soomaaliya iyo madaxda hay’adaas

Waxaa shir looga hadalayo dib u eegista Hannaanka Maaliyadda Soomaaliya iyo arrimaha Dayn Cafinta uu maanta u furmay Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Shirkaan oo ay ka qeyb galayaan Mas’uuliyiin ka kala socda, Hay’adda IMF, Wasaaradaha Qorsheynta iyo Maaliyada ayaa ku dhacay Fogaan arrag, waxaana la filayaa in uu sii socdo muddo laba toddobaad ah.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in shirkaan looga doodi doono dib-u-habeynta hanaanka Maaliyadda Soomaaliya, kaasi ay talooyin is weedaarsan doonaan labada dhinac.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa hogaaminaysa shirkaan oo sidoo kale ay ka soo qeyb galeen Hey’ada ha Dowladda qaar kood sida Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii IMF oo ugu hanjabtay Dowladda Soomaaliya iney joojin doonto barnamijkeeda deyn cafinta iyo taakuleynta ciidanka hadii doorashada si deg deg ah aan lagu qaban

Source link