Guux ka dhashay qoraalkii Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya & Halista Ruushka ka imaan karta




Iyadoo maanta kulan uu ka dhacay Xafiiska R/wasaare Rooble ayaa hadana guux waxaa ka dhashay qodobo aan saxaafada loo soo bandhigin balse si kale looga war helay.

Kulanka oo ahaa mid udhaxeeyey Safiirka Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya Haweeneyda lagu magacaabo Tiina Intelmann iyo R/wasaare Rooble ayaa looga hadlay Xaalada Abaaraha Soomaaliya.

Qoraal lasoo geliyey Twitter-ka oo ay share gareysay ayey danjire Tiina Intelmann ayey dalbatay in soomaaliya cambaareyso duulaanka ruushka ku qaaday Ukraine,balse Rooble ayaa muujiyey in ay taasi ku baaqayaan wada hadal iyo xabad joojin.

Dad badan ayaa ka fal celiyey arintaan iyagoo ku baaqay in lasameeyo dhex dhexaadnimo si aan ruushka loogala kulmin halis Soomaaliya soo wajahi karta.

 

Source link