Home Warka Maanta Gudoomiye Sanyare oo soo saaray Qodobo Al shabaab loogu sifeyn karo Somaliya iyo...

Gudoomiye Sanyare oo soo saaray Qodobo Al shabaab loogu sifeyn karo Somaliya iyo amar lagu dilayo ganacsatada

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur (Sanyare), ayaa sheegay in laba qodob oo keliya, haddii la sameeyo Al-shabaab looga baabi’in karo Soomaaliya oo dhan.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay shir ku saabsan Amniga, oo lagu qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa ku baaqay in la fuliyo labadaas qodob, haddii la doonayo in Al-shabaab laga adkaado.

Qodobka kowaad ayuu ku sheegay, in la joojiyo odayaasha damiinka ku sii daaya xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee la qabto, ka hor inta aan baaritaan dhammaystiran lagu samayn.

Qodobka labaad ayuu sidoo kale ku sheegay, in mas’uuliyiinta dowladeed ay joojiyaan u hoggaansanka awaamiirta Al-shabaab ee ku dhisan cabsi-gelinta.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Ganacsatada Puntland u soo jeediyay in aysan Al-Shabaab siinin lacago baad ah oo uu sheegay in dadkooda lagu dhibateeynayo.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatada, iyaga oo doonaya inay naftooda badbaadiyaan ay Al-Shabaab siiyaan lacag, balse dadkoodii lagu dilay ayna kamid yihiin dadka wax dilaayo maadaama ay lacag siiyaan Al-Shabaab, waxana uu ugu baqay inay diidaan lacagaha ay siiyaan Al-Shabaab.

“  Al-Shabaab laba meel ayay lacag badan ka helaan waa Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee muqdisho iyo kuwa Magaalada Boosaas, waa in Ganacsatada ay si deg deg ah u diidaan lacagtaas oo ay shiraan una midoobaan arrintaas ayuu yiri” Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland.

 

Ugu dambeyn Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo jeediyay in ganacsadihii la ogaado in uu Al-Shabaab siiyo lacag uu mudan yahay in bartiisa lagu toogto ama la Maxkamadeeyo.

Muqdisho-Somalia

 

Source link