Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddiga KMG ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo soohdimaha ayaa kulan wadatashi ah magaaladda Muqdisho kula qaatay ururrada bulshada rayidka.
Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xil. Mahdi Guuleed oo ay wehliyaan ku-xigeenkiisa iyo xoghayaha guddiga ayaa waxaa wakiilada matalayay ururada bulshada rayidka looga talo-geliyay akhrinta labaad ee hindisaha xeerka doorashooyinka qaranka oo uu guddiga gacanta ku hayo dhawaana la filayo in la horgeeyo baarlamaanka.
Xubnaha ka socday bulshada rayidka qeybaheeda kala duwan ayaa talooyinkooda ku biiriyay xeerkan uu ka shaqeynayo guddiga.
Guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in ujeedkoodu yahay si talooyinka iyo aragtida bulshada rayidka loogu daro xeerkan muhiimka u ah doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rajeynayo in ay dalka ka qabsoomaan.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod.
Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah.
Sharcigan maray baarlamaanka ayey dowladda federaalka u aragtaa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xilli ay si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland.