Home Xogta Dahsoon Golaha siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi oo fariin deg deg ah u diray Golaha...

Golaha siyaasiyiinta Gobalada Waqooyi oo fariin deg deg ah u diray Golaha Wadatashiga Qaran




Siyaasiyiinta gobolada Waqooyi gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa maanta soo saaaray war qoraal ah oo u direen  madaxda Soomaalida.

Cabdi Xaashi garabkiisa ayaa ka dalbaday madaxda Golaha Wadatashiga Qaran ee maanta shirka u furmay  in ay xal deg deg ah ka gaaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya xubnaha gobolada waqooyi ee Soomaliland.

Dhanka kale waxay codsadeen in si cadaalad ay ku jirto loo mideeyo labada dhinac ee gudiga SEIT gobollada waqooyi ee kala jaban, loona sameeyo guddi mideeysan.

Dhanka kale waxey ku baaqeen halka lagu qabanayo doorashada dhinacyada Waqooyi iney noqoto mid amnigeeda suganyahay oo daahfuran islamarkana ay imaan karaan dhamaan odiyaasha.

Hoos ka ahriso:

 



Source link