Home Warka Maanta Golaha Amaanka ee QM oo War ka soo saaray heshiiskii laga gaaray...

Golaha Amaanka ee QM oo War ka soo saaray heshiiskii laga gaaray doorashada Somalia

Golaha Amaanka ee Q/Midoobay  ayaa soo dhoweeyey heshiiskii ay wada gaareen dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Qoraal ay wadajir u soo saareen 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayay ku bogaadiyeen hoggaamiyayaasha siyaasada Soomaaliya oo muujiyay bisayl iyo tanaasul loogu turayo shacabka.

“Xubnaha Golaha Ammaanku waxay soo dhoweeyeen ballanqaadkii ahaa in la qabto doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, iyadoo la xushmeynayo qoondada haweenka ee baarlamaanka oo ah 30%” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay  dhamaan dhinacyada inay sii wadaan wada hadalka furan iyo in la sameeyo hannaan nabadeed oo lagu xalliyo khilaafaadka doorashada kaasoo salka ku haya heshiiskii 17 Septembar.

Source link