Home Warka Maanta Gen. Farxaan Qaroole oo maanta hor istaagay howl ka socotay Degmada Hodan

Gen. Farxaan Qaroole oo maanta hor istaagay howl ka socotay Degmada Hodan




Ciidamada Amniga ayaa waxay maanta awood ku joojiyeen dhisme ka socday Degmada Hodan gaar ahaan Hoteelkii Taleex oo shakhsiyaad gaar ah dhisme ka wadeen.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole) ayaa waxa uu tegay Qeybtii Cabitaanada Hoteel Taleex oo la sheegay in sifo sharci daro ah lagu dhisanayey.

Farxaan Qaroole ayaa amar ku bixiyey in la hakiyo dhismaha socday iyadoo goobta la iskugu keenay shaqaalihii howsha ku jiray.

Taliyaha Qeybta Waliyoow cade Yaasiin Nuur Ganeey iyo Taliyaha saldhiga Booliska Degmada Hodan Bashiir Cabdi Siyaad ayaa sidoo kale howlgalkaasi qeyb ka ahaa.

Agaasimaha guud ee Wasaarada warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa kormeeray halka dhismaha ka socday maadaama Wasaarada Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska ay leedahay qeybta cabitaanada hoteelka Taleex ee la dhisanayey.





Source link