Home Xogta Dahsoon Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo laga hirgeliyay Saldhig Cusub & Lafta gareen oo...

Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo laga hirgeliyay Saldhig Cusub & Lafta gareen oo hal arin sheegay

Munaasabad ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka socotay howlgalka Midowga Afrika sida Booliiska & Militariga, Wasiirka Gaadiidka DG Koofur Galbeed & laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas ayaa ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Saldhig cusub oo hirgelintiisa gacan ka geysatay Dowladda Talyaaniga ayaa lagu soo bandhigay, waxaana xariga ka jaray Madaxa AMISOM u qaabilsan dhismaha Garoomada & Saldhigyada, Taliyaha Booliiska AMISOM iyo saraakiil ka kala socotay Ghana, Itoobiya & Qaramada Midoobay.

Ciidanka ilaalada garoonka Shaati Gaduud ayaa labo qayb loo kala saaray, Booliiska & Militariga waxa ay mas’uul ka yihiin sugidda amniga iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada dadka ka degaya iyo kuwa gudaha u galaya.

Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika waxa ay isku raaceen in saldhiggaan uu muhiim u yahay fududeynta howlaha la xiriira Amniga Garoonka Baydhabo iyo baarista dadka laga shakiyo ee lagu qabto isla garoonka.

Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika waxa ay isku raaceen in saldhiggaan uu muhiim u yahay fududeynta howlaha la xiriira Amniga Garoonka Baydhabo iyo baarista dadka laga shakiyo ee lagu qabto isla garoonka.

Taliyaha Booliiska Gobolka Bay Col Amiin Maxamed Cismaan waxa uu howl muhiim ah ku tilmaamay saldhigga cusub oo qayb ka qaadan kara howlahooda maadaama qofkii laga shakiyo la geyn jiray saldhig ka baxsan Garoonka Shaati gaduud.

Booliiska AMISOM ayaa inta badan gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha oo kamid ah ilaha dhaqaalaha, waxaana la howlgalla Ciidamo Soomaali ah oo qaarkood ay siiyeen hubka iyo agabka ay adeegsanayaan.

 

Source link