Home Xogta Dahsoon Galmudug oo shaacisay xilliga ay qabanayaan doorashada Aqalka Sare

Galmudug oo shaacisay xilliga ay qabanayaan doorashada Aqalka Sare




Guddiga Hirgelinta Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraasta uu xalay  shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada xubnahaas ay dhici doonto maalinta Khamiista ee Beri ah, taariikhduna ku beegan tahay  12/8/2021.

Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Maanta oo Arbaco ah la diiwangelin doono Musharixiinta Aqalka Sare ee uu Madaxweyne Qoor Qoor u soo gudbiyo si Maalinta beri ah ay doorashada u dhacdo.

Doorashada Xildhibaannada Aqalka sare ayaa haatan u muuqata mid si dardar leh ku socota, waxaana manta la filayaa in maamulka Puntland uu qabto doorashada 11 Xubnood eek u matalaya Aqalka sare.



Source link