Gabar iyo hooyadeed oo si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo xalay ka dhacday gudaha degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo ka dhalatay dil wadareed loo gaystay gabar iyo hooyadeed.

Wararka ayaa sheegaya in dilkan uu gaystay askari ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo weerar kusoo qaaday qoyskan oo degan xaafadda Faanoole ee degmada Kaaraan.

Ilo wareedyo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in askariga uu horay u qabi jiray gabadha, ayna carruur u dhashay balse uu soo kala dhex galay khilaaf, kaas oo ugu dambeyn sababay inuu askariga gaysto falkan argagaxa leh.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna u sheegay Wararka Maanta in xilliga uu dhacayay falkan ay bannaanka gurigooda fadhiyeen gabadha iyo hooyadeed, uuna hal mar rasaas ooda kaga qaaday , waxayna ku geeriyoodeen isla goobta.

Nasteexo iyo hooyadeed Muslimo ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Nasteexo Nuur Dable iyo Muslimo Macallin Xasan, waxaana goobta ka baxsaday askariga dilka gaystay.

Falkan ayaa sidoo kale argagax ku reebay dadka deegaanka oo si wayn uga naxay dilka loo gaystay gabadha iyo hooyadeed oo ay muddo dheer ahaayeen dad daris ah.

Ma jiro illaa iyo ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan iyo laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi argagaxa leh.

Falalka noocaan oo kale ah ayaa maalmahan kusoo badanayay gudaha dalka, kuwaas oo salka ku haya khilaafaad dhanka qoysaska ah, kadibna sababa dil ama dhaawac, sida horay uga dhacday dhowr magaallo oo kala duwan.



Source link