Firdhiye oo tegay furimaha hore ee dagaalka, farayna ciidanka Khatumo in…

Posted on

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee ku sugan yihiin ciidamada SSC-Khaatumo.

Socdaalkan ayaa waxaa hoggaamiye Firdhiye ku wehlinayay hoggaamiye ku-xigeenka maamulka, guddoomiyaha golaha dhexe, xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhexe.

Mudane Firdhiye ayaa ugu horreyntii waxa uu salaan ka qaatay saraakiisha sare ee ciidamada SSC-Khaatumo, isaga oo uga sii gudbay fadhiisimaha hore ciidammada difaaca SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa ciidammada ku bogaadiyey guushii weynayd ee ay soo hooyeen, jabkii cuslaa iyo casharkii lama illaawaanka ahaa ee ay u dhigeen ciidamada Soomaliland, oo bilihii dambe ay ku dagaalamayeen magaalada Laascaanood.

Sidoo kale hoggaamiyaha ayaa waxa uu ciidamada u sheegay in Eebbe ka sokow iyagu yihiin sababta ay shacabka SSC-Khaatumo ugu naaloonayaan xasillooni, nabad, iyo is-maamul.

Firdhiye ayaa ciidamada SSC-Khaatumo ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka faray in ay difaaca adkeeyaan, kuna sugnaadaan halkooda, marnaba aysan weerar ku noqon cid kale.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale u sheegay ciidanka in haddii la soo weeraro ay ciidanka amar buuxa u haystaan in ay is-difaacaan oo ay jabiyaan kuwa soo weeraray, islamarkaana ku sameeyaan hub ka dhigis dhamaystiran.

Ugu dambeyntiina wuxuu ciidammada kula dardaarmay in ay xoojiyaan waajibaadkooda una gutaan si ay ku jirto daacadnimo, waddaniyad iyo xaq u dirirnimo, isagoona xusay in ciiddanka SSC-Khaatumo yihiin ilaaliyeyaasha sharafta iyo midnimada reer SSC-Khaatumo.

SSC-Khaatumo ayaa dhawaan aqoonsi ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ah maamulka KMG ah, kaasi oo faa’iido weyn u leh dadka deegaanada SSC-Khaatumo oo hadda dagaal kula jira Somaliland, oo hore uga arrimin jirtay halkaasi.

Source link