Home Xogta Dahsoon Farmaajo oo maanta lagu wareejinayo Dhambaal siyaasadeed oo loo soo diray

Farmaajo oo maanta lagu wareejinayo Dhambaal siyaasadeed oo loo soo diray

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegay inay Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Raychelle Omamo oo soo gaartay Magaalada Muqdisho ay Dhambaal Qoraal ah ka wado Madaxweyne Uhuru Kenyatta, kaasoo u gudbin doonto Madaxweyne Farmaajo marka ay kula kulanto Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Kulanka ay la yeelan doonto Raychelle Omamo dhigeeda dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa looga hadli doonaa intiisa badan xoojinta xiriirka Labada dal, Siyaasadda, Socdaalka, Xayiradda Qaadka Kenya, Arrimaha Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeryaha Kenya iyo Amaanka Xuduudka.

Diplomasiyiinta ayaa rumeysan in kulankaasi lagu soo hadal qaadi doono Dacwadda Xuduud-baddeedka ee u dhexeysa labada dal oo haatan hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Ilo ka tirsan Golaha Midowga Africa ee AU ayaa sheegay inay Dowladda Kenya dhawaan codsatay Taageero Farsamo oo lagu xalinayo Murankaasi.

Dowladda Federalka ayaa waxaa ay sanadkii 2014-kii dacwad u gudbisay Maxkamadda ICJ, oo ay kaga cabanaysay sheegashada Keny ee qeybo ka tirsan Xudduud-baddeedka Somalia ee Allbanaadir Mediata Hindiya
Labada Dowladood waxay ka war sugayaan Natiijada Xukunka Kma-dambaynta ee Maxkamadda ICJ, iyadoo Kenya horey galaangal u gashay in Khilaafkaasi lagu xaliyo meel ka baxsan Maxkamadda ICJ.

 

Source link