FARMAAJO oo ka badbaaday mooshin culus, loona dhaariyey xildhibaannimo





mogadishu (Allbanaadir Media) – Xildhibaannada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah ku yeeshay xaruntooda magaalada mogadishu, kaas oo lagu dhaariyey madaxweynihii 9-aad ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo noqonaya xildhibaan abadiya ah, sida uu qabo dastuurka KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka hareeyey dood ay keeneen xildhibaano uu ku jiro siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka soo horjeeday in la dhaariyo Farmaajo, isaga oo ku eedeeyey inuu xadgubyo geystay muddadii uu xafiiska joogay ee uu ahaa madaxweynaha.

“Taariikhadaan waa hareysaa waxaan rabaa in hadda kuwa xukunka qabsaday falka uu sameeyey in uusan sameyn oo qof idinka ka mid ah gurigiisa loogu dhicin,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hadal ka jeediyey kulanka baaralamaanka Soomaaliya.

Intaas kadib guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in cod la gelinayo wax ka bedelka ajendaha maanta, gaar ahaan dhaarinta madaxweyne Farmaajo, kadib markii ay mooshin ay keeneen 11 xildhibaan oo ka tirsan xubnaha golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah, kadib ogolaaday in la dhaariyo Maxamed Farmaajo oo isla goobta loogu qabtay dhaarta, wuxuu sidaas ku noqday xildhibaan abadiya ah.

Farmaajo waxaa ka horreeyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isna sanadkii 2017-kii loo dhaariyey xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG ayaa wuxuu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo xildhibaan golaha shacabka inta uu nool yahay,haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, ayada oo muddadii xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobkan ka midka ah dastuurka KMG ah.



Source link