Fadeexad soo wajahday Orodyahano u kala dhashay Kenya & Itoobiya (Sawirro)

Posted on

Orodyahanno Afrikan ah oo u kala dhashay Kenya iyo Itoobiya ayaa wajahaya fadeexad, kuwaaso la sheegay inay gacan ku siiyeen inuu kaalinta koowaad ku soo baxo orodyahan Shiinaha u dhashay oo ka qaybgalayay tartanka orodka oo lagu qabtay Beijing.

Gudaha Shiinaha iyo dunidda oo dhan ayaa lagu ceebeeyay ninka ku guuleystay tartanka He Jie’s, kaaso la sheegay inay u muuqato inuu laaluush ku bixiyay si aysan Afrika uga guuleysan, maaddama la arkayay markii ay u soo dhawaadeen calaamada dhammaadka iyagoo u gacan haatinaya He Jie’s, kaddibna hoos u dhigay orodkoodii si uu ninkan u guuleysto.

Afrika ayaa sidoo kale si weyn looga carooday tallaabada ay qaadeen raggan Afrika u dhashay, iyadoo dawladda Itoobiya ay ku dhawaaqday ruuxa tartanka ka qayb galay ee Itoobiyaanka ah inaysan u dirsan tartankaa oo si iskiis ah uu uga qaybgalayay.

Kaalinta koowaad ee tartankan ayaa lagu bixinayay $5,500. Saddexda nin ee kale oo la arkayay iyagoo ninkan u sacab tumaya, isla markaana dhabarka ka salaaxaya, wallow Shiineyska uusan u muuqan qof faraxsan , waxay si wadajir ah u galeen kaalinta labaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Source link