Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku taala gudaha kaamka Darwiish oo ku dhow ex Bar Bulsho oo ah nawaaxiga kontrolka Seydka ee madaxtooyada laga ilaaliyo.
Booliska Soomaaliya oo weerarkan ka hadlay ayaa xaqiijiyay in qof isa soo miidaamiyay oo katirsan Shabaab uu isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag.
Sida boolisku sheegeen, khasaaraha ayaa ah dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo qofkii isa soo miidaamiyay.
Dadka dhintay waxaa kujiro askar ka tirsan ciidamadda dowladda oo maqaaxida ku sugnaa, wararka ayaa intaasi kusii daraya in ruuxa ismiidaamiyay uu kamid ahaa dadka maqaaxida ku Qayilayay ama Jaad cunayay.
Khawaarijta Shabaab oo si weyn ay uga adkaadeen ciidamada amaanka magaalada Muqdisho iyo kuwa NISA ayaa haatan wajahaya howlgallo kale oo culus.
Waxaa kaloo jirta in laga hor tagay qaraxyadii iyo dhamaan weeraradii qorsheysanaa ee laga fulin jiray magaalada Muqdisho iyadoo xubno dhowr ah laga qabtay, howlgallo bandanna laga fashiliyay.
Muqdisho-Somalia