Ex Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo walaalkiis arin muhiim ah ka sameeyey B/weyne





Magaalada Beled weyne waxaa maanta ka dhacay kulan lagu heshiisiinayey Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle iyo Taliye nuur dheere oo ciidan hubeysan ku heystay Magaaladaasi.

Maalmihii dambe waxaa socday waan waan ay wadeen odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle taas oo la doonayey in golaha kacdoonka gobolka hiiraan ka jira ay hubka udhigi lahaayeen.

Korneel saneey Cabdulle Gaab iyo Nabadoon Faarax Cabdi Waare ayaana ka dambeeyey in heshiiskaasi maanta la gaaro.

Nabadoon Faarax ayaa waxay walaalo yihiin madaxweynihii hore ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana looga mahad celinayaa sida uu iskugu xilqaamay dhameynta xiisadii ka taagneyd B/weyne ee ciidanka Nuur dheere heystay iyo dhinaca Hirshabelle oo dhankooda saluuga laga qabay ay dhamaatay gar naqsina laga sameeyey.

Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Yuusuf Daba geed iyo Taliye Nuur dheere ayaana is gacan geliyey kuna dhawaaqeen inay ka heshiiyeen wax walbo oo khilaaf ahaa.

Tani ayaa muujineysa in tan iyo todobaadkii hore markii uu tegay B.weyne Cali Guudlaawe uu ku guuleystay dhinacyadii kasoo horjeeday Hirshabelle,balse lama oga in heshiiskaan uu taageeri doono iyo in kale General Abuukar Warsame Xuud oo hadda kusugan Muqdisho.

 




Source link