Duufaanta Afgembiyada Afrika iyo halista saraakiisha siyaasiyiinta ah ee Soomaalida

Markale, Afrika waxaa ku dhufanaya safmar afgembiyo ah oo ay hoggaaminayaan saraakiil ciidan iyo askar gadoodsan.

Madaxweynaha dalka Guinea-Bissau ayaa ka badbaaday isku day afgembi kaddib is rasaaseyn shan saacadood socotay habeenkii Talaadada.

Umaro Cissoko Embalo ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha gadooday ee afgambiga wadday ay doonayeen in ay laayaan isaga iyo guud ahaan golihiisa wasiirrada.

Xaaladda dalkaas ayaa weli jahwareer iyo jaantaa rogan ah, iyadoo weli aan la xaqiijin cidda dhabta ah ee ka dambeysa isku daygaas afgembi.

Dhanka kale Boqolaal dad ah ayaa iskugu soo baxay magaalada Ouagadougou ee caasimadda Burkina Faso si ay ugu dabaal dagaan afgembiga ay ciidanka Militeriga meesha uga saareen taliskii Roch Kaboré bishii January ee sannadkan.

Waa Afgembigii afaraad oo ka dhaca Galbeedka Afrika 17kii bilood ee lasoo dhaafay, halka shan afgembi laga diiwaangeliyay dalalka ka hooseya saxaraha tan iyo August 2020.

Saraakiil ka amar qaadata taliyihii hore ee ciidanka qalabka sida Sudan Jeneraal Abdel Fattah Burhan ayaa talada dalkaas kula wareegay afgambi iyagoo xabsi guri ka dhigay Abdalla Hamdok iyo golihiisa wasiirrada.

Jahwareer siyaasadeed iyo dhaqaale xumo baahsan ayaa isku raacay, shacab gadoodsan ayaa dibadbaxyo ka dhigay magaalooyinka waa weyn ee dalkaas, iyaga oo dalbanayay in xukunka dalka laga dhigo mid reyid ah.

Ugu dambeyn heshiis siyaasadeed ayaa laga gaaray in ciidanka door laga siiyo saami qeybsiga awoodaha dalka taas oo keentay in horaantii January sannadkan Ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok uu iska casilo xilka.

Sidaas oo kale September sannadkii hore, askar gadoodsan oo uu hoggaaminayay Korneyl Mamadi Doumbouya ayaa af gambiyay taliskii madaxweyne Alpha Condé oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay oo ay shacabka dalka Guinea doortaan sannadkii 2010.

Conde ayaa u baxsaday dalka deriska la ah ee Mali kaas oo laftigiisa laba jeer oo isku xigta isku day afgembi ay ka dhaceen dhowr iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhanka kale laba maalin uun ka hor inta aan la dhaarin madaxweynaha dalka Niger Mohamed Bazoum, saraakiil gadoodsan ayaa isku dayay in ay afgembiyaan madaxweynaha cusub.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlay aagga madaxtooyada, inkastoo ilaalada qasriga waddankaas looga taliyo ay iska caabbiyeen ciidankii afgembiga waday haddana waxa ay abuurtay cabsi badan.

Iskusoo duub, Afrika dhowr iyo tobankii bilood ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacay afgembiyadii ugu badnaa labadii tobanle ee ugu dambeysay.

Marka laga soo tago silsiladahaas afgambi ee Afrika ka dhacay, waxaa kale jira afgambiyo ka dhacay dalalka Myanmar, Armenia iyo Haiti kuwaas oo ay ku lug lahaayeen saraakiil ciidan.

Haddaba maxaa sabab u ah afgembiyada ciidan ee soo noq noqonaya?

Inkastoo dalalku ku kala duwan yihiin asbaabaha keena afgembiyada haddana warbixin lagu daabacay sannadkii hore machadka Daraasaadka RAND waxaa lagu sheegay saddex qodob oo aas aas u ah afgambiyada soo noqnoqday ee Afrika iyo guud ahaan dunida saddex aad.

  1. Taariikh afgambi oo laga dhimbil qaato. Dalku haddii uu leeyahay taariikh afgambi oo soo jireen ah, markasta ayaa la filan karaa in uu dhaco afgambi. Tusaale afgambigii dalka Chad waxaa uu ahaa kii lixaad ee dalkaas ka dhaca tan iyo 1975. Dalka Guinea waxaa sannadkii tegay ka dhacay afgambigii saddexaad tan iyo xorriyaddoodii. Halka Mali na ay soo martay shan afgambi tan iyo 1960 kii.
  2. Xal u helid la’aanta tabashooyinka; Afgembiyadu badankooda waa natiijada cabashooyinka iyo tabashooyinka ka imaada shacabka, saraakiisha ciidanka iyo saamileyda siyaasadeed ee dalkaas. Markasta oo ay dowladda jirta ay ku guuldarreysato in ay kaafiso tabashooyinkaas waa markasta oo la fisho afgambi sida laga dhimbil qaadan karo taariikhda.
  3. Awoodsiinta damaca askarta: markasta oo askarta laga qeybgeliyo xalka arrimaha siyaasiga ah waa markasta oo hanka askariga uu sara u kaco oo uu isku arko cidda keliya ee sixi karta khaladaadka siyaasiga.

Dib u curashada afgambiyada ayaa noqotay halis caalami ah oo dunida oo idil ay is weyddiineyso.

Xogayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres ayaa aad u dhaleeceyay afgambiyada soo badanaya isagoo yiri. “Afgembiyada militeri waa ay soo noqnoqdeen, waxaana sabab u ah iskaashi xumida dowladaha iyo beesha caalamka, waana halis mudan in wax laga qabto”

Halka Madaxweynaha Mareykan ka Joe Biden uu ugu hanjabay cid kasta oo halis ku ah dimuqraddiyadda talaabo sharci ah laga qaadi doonno, aysanna oggolaan doonin dowladda Mareykan ka nidaam kasta oo ku imaada afgambi.

Taariikhda Afgembiga Soomaaliya

Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii Afrika ugu horreeyay ee ay saameeyeen duufaannadii afgembiyada kaddib xorriyaddooda.

1961-kii, sannad uun kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaaddatay, saraakiil dhallinyaro ah oo gadoodsan ayaa isku day afgambi ka sameeyay gobollada Wuqooyi ee Soomaaliya. Inkastoo uusan afgembiga nidaamsaneyn haddana waxa ay tooshka u shidday suurtagalnimada in markasta la fisho afgembi.

Markale sannadkii 1969kii saraakiil uu hoggaaminayay allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa afgambi aan dhiig ku daadan kula wareegay talada dalka kaddib dilkii tuhunka badan ku hareereysnaa ee madaxweynihii hore ee Soomaaliya allaha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Markey talada la wareegeen Siyaad iyo kooxdiisa afgambiyadu halkaas kuma harin oo waxaa jiray in loo dilay Allaha u naxariistee Salaad Gabeyre iyo saraakiil la socotay in ay maleegayeen afgambi.

Markale waxaa afgambi dhicisoobay sameyay April 1978 dii saraakiil uu hoggaaminayay allaha u naxariiste Korneyl Cabdullahi Cirro kaas oo ugu dambeyn fashilmay.

Wixii markaas ka dambeyay dalka waxaa ka curtay jabhado mucaarad ah oo doonayay in talada laga xayuubiyo taliskii Ina Siyaad Barre illaa dowladdii ay la duntay.

La Macaamiladda saraakiisha

Dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay waxaa socday geeddiga dib u dhiska ciidan qaran oo ka madax banaan isdiiddooyinka siyaasiga iyo tan qabiilka.

Ka hor February 2017, askariga Soomaaliga ah waxaa uu ahaa mid aanan ka badin arrimaha ciidanka iyo waxa la xiriira. Tan iyo markii uu talada dalka yimid madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo askariga Soomaaliga ah waxaa uu yeeshay shaqo aan ahayn tii ciidanka.

Dowladda Farmaajo waxa ay askarta u isticmaashay xal u helidda arrimo siyaasi ah, tusaale waxa ay ku lug yeesheen oo loo isticmaalay khilaafyo la xiriira doorashooyin, sida ka dhacday December 2018 magaalada Baydhabo.

Ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo wakhtigaas kasoo qafaashay Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo markaas ahaa musharrax u tagaan xilka madaxweynnimo ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa ay ku lug yeesheen oo loo isticmaalay is diiddooyinka maamulka Jubbaland iyo qaddiyadda gobolka Gedo. Ciidan badan ayaa Xamar looga raray sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen xal u helidda isdiiddooyinka siyaasiga ah.

Markale, dhawaan waxaa magaalada Baladweyn tegay taliyaha ciidanka lugta Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi kaas oo shaqada uu u tagay ay ahayd in uu la macaamilo ama aan si kale u dhigee dhammeeyo wada hadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Jeneralka gadoodsan ee Abuukar Xaaji Xuud.

Waxaa jirtay dhowr siyaalo oo lagu wajihi karay qaddiyadda la macaamilka Jeneraal Xuud iyadoo laga fogaanayo sabab kasta keeni karta in saraakiil ciidan ay ku lug yeeshaan xal u helidda arrin siyaasi ah sida tan Hiiraan ka taagan oo kale.

Intaas uun kuma eka e, markii uu soo ifbaxay khilaafka u dhexeeya M/W Farmaajo iyo R/W Rooble December sannadkii hore waxaa kala furtay hay’adihii amniga iyo taliska ciidanka Soomaaliya.

Ogaal la’aanta wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidan loo daabbulay magaalada Baladweyn. Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Mudane Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax,oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in xukuumadda federaalka Soomaaliya ee aysan ka warhaynin ciidamada la geeyay Balad Weyne.

Markale xukuumadda R/W Rooble ayaa ka hor timid ciidanka loo qaaday Baladweyn. Jeneraal Odawaa oo wareysi siiyay VOA laanteeda Soomaalida la hadasha ayaa sheegay in aysan muhiim ahayn in wasaaradda Amniga iyo tan gaashaandhigga la ogeysiiyo howlaha maalinlaha ah ee taliska ciidanka.

Dad badan ayaa hadalkaas u arkay in uu ahaa fududeysi, halka kuwa kalena ay u arkayeen in hay’adaha dalku sii kala furfuranayaan oo talisyada ciidanka iyo hay’adaha reyidka ah sii kala fogaanayaan

Sidoo kale intii uu jiray khilaafkii December u dhexeeyay Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ciidamo loo maleeyo in ay ka amar qaadanayeen xafiiska madaxweynaha ayaa is hor taagay ra’iisul wasaaraha in uu soo shaqo tago xafiiskiisa, inkastoo daqiiqo kooban loo diiday in uu xafiiskiisa tago haddana Taliyaha ciidanka Soomaaliya Jeneraal Odawa Raage oo uu wehliyo jeneral Xijaar ayaa ra’iisul wasaaraha u galbiyay xafiiskiisa.

In xafiiska ugu sarreeyo dalka loo adeegsado maquunin ciidan waxa ay leerka cas u shideysaa halista markasta ay leedahay isticmaalka askarta amarka ku shaqeysa ee lagu maqiiqayo arrimaha u baahan xal u helid siyaasi ah.

Saraakiisha siyaasiyiinta

Mar haddii ay waddanku joogaan ciidamo AMISOM, sidoo kalena ay jiraan dalal badan oo Soomaaliya caawiya suurtagal ma ahan afgembi, taas waa aragtida badanaa dadku ka qabaan suurtagalnimada in uu afgembi dhaco.

Haddaba afgembiyadu badanaa waxa ay ka imaadaan firaaq siyaasi ah iyo fashilka siyaasiyiinta lagu daray saraakiisha oo siyaasiyiin noqda taas oo keenta in askartu isku dayaan in ay iyagu xalka noqdaan oo damacooda siyaasiga uu weynaado.

Tusaale Maxamed Siyaad Barre markii uu dalka la wareegay waxa uu aad u dhaliilay nidaamkii reyidka isagoo ku sheegay in ay siyaasiyiintu ku fashilmeen in ay dalka hoggaamiyeen oo musuq iyo boob ku mashquuleen.

In ay kulmaan taliyaha ciidanka qalabka sida, taliyaha ciidanka Booliska, taliyaha nabad sugidda gobolka, iyo taliyaha ciidanka Asluubta ayna ka wada hadlaan xaaladda siyaasiga ah ee dalka waxa ay muujineysaa sida saraakiisha ciidanku iskugu sii baddalayaan siyaasiyiin intii ay noqon lahaayeen sarakiil ciidan.

In ay taliyayaashu kulmaan ceeb ma ahan, in ay ka hadlaan xaaladda amni ee dalka waa waajibkooda, balse in ay ka hadlaan xaaladda siyaasiga ee dalka ama u kala jabaan labada xafiis ee ugu sarreysa dalka waxa ay muujineysaa heerka dib u dhac ee ee ciidanka gaaray afartii sano ee lasoo dhaafay.

Kala qeybsanida hay’adaha dowliga ah tan ciidanka, tan fulinta, tan garsoorka, tan sharci dejinta iyo hay’adaha kalaba waxa ay dheelitiraan quruxda dowladnimada. Haddiise caksiga ay isku milmaan oo siyaasigu askari yahay, askartana ay siyaasiyiin yihiin waxaa oof wareen ku dhacaya dowladnimada iyo haykalkeeda sida ay ku doodayaan culimada dowlad dhiska ku taqasusay.

Xildhibaannada cusub

Taliyaha kumeel gaarka ah ee nabad sugidda Soomaaliya Yasin Farey ayaa kusoo guuleystay kursiga xildhibaannimo ee beeshiisa.

Sadaq John oo horey u ahaa taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir ayaa isna xildhibaan soo noqday. Fahad Yasin iyo Cabdullahi Kulane oo nabad sugidda ka tirsanaa ayaa mid kasta loo badinayaa inay xildhibaanno noqon doonaan dhawaan. halka Jeneraal Indha Qarshe uu isna yahay musharrax xildhibaan.  dhammaan ragga aan soo sheegay waa saraakiil ciidan. Waxa ay soo dayacayaan badankooda doorkoodii askarinnimada mar haddii ay xildhibaanno noqonayaan.

Cabaaqib xumada ka dhalata Saraakiisha Siyaasiyiinta ah

Mid kamid ah asbaabaha loo aaneeyo dumitaanka dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa kow ka ah saraakiil tuutaha iyo suudka isku xirtay.

Markii saraakiishu dalka la wareegeen oo ay laaleen sharcigii heshiiska lagu ahaa, waxaa ka meesha ka baxay wada lahaanshiyihii dowladnimada waayo talada dadka iyo dalkana waxaa isku koobtay saraakiil siyaasiyiin isku heysta oo damac siyaasi uun ku hubeysan.

Markale markii uu dalka burburay oo jabhaduhu la wareegeen guud ahaan dalka waxaa haddana sabab kale oo muhiim ah oo towfiiqda loo haleeli waayay waxa ay ahayd damaca hoggaamiyayaashii jabhadaha oo saraakiil ciidan u badnaa kuwaas oo ku heshiin waayay saami qeybsiga awoodaha siyaasiga ee dalka.

Haddaba cabaaqib xumooyinka waa weyn ee ka dhasha ku milanka saraakiishu siyaasadda waxaa kamid ah:-

  1. Dayac amni
  2. Khalkhal siyaasadeed
  3. Afgambi la filan karo markasta
  4. Isku dhacyaac dhanka hay’adaha
  5. Awaamiirta oo aanan fulin
  6. Iwm

Haddaba si intaasba looga badbaado waxaa muhiim ah in la fuliyo qodobka 127-aad firqaddiisa koobaad xarafkiisa ‘E’ oo dhigaya in askartu ka fogaadaan siyaasadda iyo kala aragti duwanaanteeda.

Haddii ay se dhici weyso in saraakiishu siyaasadda ku dhex labnaadaan waxaa halis loogu jiraa mar aan fogeyn in isku day afgambi uu dalka ka dhaco ama saraakiisha ciidanku door ku yeeshaan miiska wada hadalka sida ka dhacday dalal badan.

W/Q:- Cabdiwahaab Axmed Cali

Source link