Duqa magaalada Garawe oo la kulmay Saraakiil Itoobiyaan ah kaddib amarkii uu soo saaray

Posted on




Duqa magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland Geedi Axmed Tuurre ayaa maanta kulan gaar ah la qaaday saraakiil Itoobiyaan ah uu horkacaya madaxa Qunsuliyada Itoobiya ee Puntland.

Geedi Axmed Tuurre ayaa sheegay in madaxa Qunsuliyadda Itoobiya iyo xubnihii kale uu la kulmay uu kala hadlay hirgalinta amarkii uu soo saaray iyo sidii dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee ku soo qulqulaya Puntland, gaar ahaan Garawe.

“Waxaan maanta qaabilnay Qunsuliyadda dowladda Ethiopia ee Puntland, anagoo ka wada hadalnay sida ugu wanaagsan ee dalkoodii loogu celin lahaa dadka Itoobiyaanka ah ee kusoo qulqulaya Puntland kuwaasi oo u badan tahriibeyaal, iyadoo lala kaashanayo Hay’addaha Caalamiga ah ee ay khuseyso sida IOM” ayuu yiri duqa Garoowe.

Duqa Garawe ayaa maalmo kahor soo saaray amar ku aadan in magaalada si deg deg ah uga baxaan dadka Itoobiyaanka ah ee sida sharcidarada ah ku jooga magaalada, isagoona ku hanjabay cidii amarkiisa diida qasab lagu tarxiili doono.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com




Source link