Dowladda Soomaaliya oo si adag uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray William Rutu

Posted on

Madaxweynaha dalka Kenya William Rutu ayaa dhawaan ka sheegay dalka Mareykanka uu booqasho rasmi ah ku tagay, haddii ay ciidamada ATMIS ee nabbad ilaalinta u jooga Soomaaliya ka baxaan ay kooxda Al Shabaab dalka si fudud ula wareegi karaan.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaliya Cali Balcad ayaa si adag uga jawaabay hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha Kenya, waxa uuna warkaasi ku sheegay mid aan xaqiiqa aheyn .

Cali Balcad ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya xilligan ku sugan tahay iyo tan Afganistan in aysan shaqo isku laheyn, waxa uuna xusay in ciidanka ATMIS waqtigooda ku baxayaan, isaga oo meesha ka saaray cabsi ah in  Al Shabaab dalka la wareegi karaan.

“Dhaqdhaqaaqa Soomaaliya aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afgaanistaan. Bixitaanka ciidamada shisheeye ma horseedi doonto xaalad la mid ah taas oo kale. Awoodda aynu saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso xasilloonideeda“ ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dowladda Kenya oo ciidamo qeyb ka ah ATMIS ka joogaan Soomaaliya ayaa u muuqata mid rabta in ay Soomaaliiya sii joogaan , si ay macaash uga sameeyaan ciidankooda, waxa ayna Kenya inta badan faa’iido ka raadisaa dalalka xasaradaha ka jiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link