Home Warka Maanta Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday inay kumanaan Soomaali ah ka soo daabuli...

Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday inay kumanaan Soomaali ah ka soo daabuli doonto dalkeeda.

Allbanaadir Media (NAIROBI)-Dowladda waddanka Kenya ayaa  dalbatay  hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR in la xiro Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma  iyadoo 14 maalmood u qabatay.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Kenya Fred Matiang ayaa sidoo kale UNHCR  u sheegay iney la timaado qorshe lagu xirayo xeryahan taa oo lama filaan ku noqotay kumanaan Qaxooti Soomaaliyeed oo halkaas ku nool.

Kenya waxay sidoo kale sheegtay in qorshaha xiritaanka xeryahan aanan wax wadahadal ah oo kale laga yeelan doonin,waxaana Tilaabadaan ay ku soo aadaysaa xilli dowladda Kenya ay u muuqato in looga guulestay dacwadda Badda ee ICJ ka taala taa oo Soomaaliya kaliya ay xaadirtay kadib markii ay ka cago jiiday Kenya.

Bishii  Nov 2013, dowladaha Kenya iyo  Somalia iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee  UNHCR ayaa wada saxiixday heshiis ogolaanaya kaliya in dib loogu geliyo Soomaaliya dadka si iskood ah u go’aansaday.



Source link