Doorashada kuraas ka mid ah BF oo lagu qabtay Gaalkacyo – Yaa ku soo baxay?




Gaalkacyo (Allbanaadir Media) – Doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay koonfurta magaalada Gaalkacyo oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa lagu bilaabay kuraasta HOP#013 iyo HOP#101 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Kursiga HOP#013 waxaa ku soo baxay Aadan Cismaan Xuseen (Qoryooley) oo ah wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmuudg.

Qooryooley ayaa sidoo kale aad ugu dhow Villa Soomaaliya, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii isku howlay dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’isuul wasaaraha.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#101 waxaa ku guuleystay Xersi Aadan Rooble, kaas oo helay 88 cod, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee Galmudug.

Doorashada ayaa haatan sii socota, waxaana la guda-galay kuraasta xiga ee loo qorsheeyey in maanta doorashadooda lagu qabto magaalada Gaalkacyo.

Kuraasta taalla magaaladaas ayaa qaarkood isha aad loogu hayaa, maadaama ay ku loolamayaan siyaasiyiin saameyn leh oo doonaya inay ku biiraan baarlamaanka 11-aad.

Galmudug ayaa wada qorshe lagu dadajinayo doorashada Golaha Shacabka oo qorshuhu yahay in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.



Source link